About Us

About Us – mohamukhtar.com

Ku Soo Dhawoow mohamukhtar.com

Ku soo dhawoow https://mohamukhtar.com – goob aad ku baran karto aqoon casri ah, farsamooyin cusub, iyo xirfado kaa caawin doona inaad naftaada iyo noloshaadaba horumariso.

Anaga oo ah koox ka go’an horumarka, waxaanu halkan u joognaa inaan kuu fududeyno fahamka teknoolojiyadda, ganacsiyada online-ka, iyo caqliga macmalka ah (AI). Ujeedkeenna waa inaan kuu keeno maqaallo, casharro, iyo talooyin tayo sare leh, si aad u hesho faham qoto dheer oo kuu suura-gelinaya inaad qaaddo tallaabadaada ugu horreysa – ama midda xigta – ee dhinaca technology-ga ee kobacaaga shaqsiyadeed iyo midka ganacsi ba.

Himiladeennu waa:
Inaan noqonno il-ogaal iyo hage ah oo loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ee doonaysa horumar iyo waxbarasho dhijitaal(online) ah.

Waxyaabaha aan bixinno waxaa ka mid ah:

  • Maqaallo aqoon kororsi ah oo ku saabsan AI, ganacsiyada online-ka iyo waxbarasho casri ah.
  • macluumaadyo la fahmi karo oo ku qoran afkeena hooyo Af Soomaali nadiif ah.
  • tilmaamo iyo talooyin kaa caawinaya si aad si step-by-step ah u bilowdo safarkaaga online ka.
  • Casharro iyo talooyin la fahmi karo oo ka caawinaya akhristaha inuu barto xirfado muhiim ah

Waa Maxay Waxa Naga Go’an?

Waxaan dooneynaa in bulshada Soomaaliyeed ay la jaanqaaddo isbeddelka dhijitaalka(online) ah ee caalamka

Waxaan isticmaalnaa Af Soomaali nadiif ah oo la fahmi karo.

Waxaan diiradda saarnaa baridda aqoonta casriga ah si fudud.

Qof walba waan soo dhawaynaynaa!
Haddii aad tahay arday, ganacsade yar, ama qof raba inuu la qabsado dunida dijitaalka ah – waxaad halkan ka heli doontaa wax kuu gooni ah.


Ku xidhnow!
Ha moogaanin wixii cusub. Nala soco si joogto ah, nala wadaag aragtidaada, hana ka cabsanin inaad su’aalo na weydiiso. Ku soo dhawoow https://mohamukhtar.com